daajis.com:- Faysal Cali Waraabe oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa wuxuu sheegay inaysan Marnaba Dhici Doonin Doorashada madaxwayne ee maamulka Somaliland, iyadoo Ay Jirto Abaari, Wuxuuna sidoo kale sheegay in dalalka Caalamka ee Dabada ka riixaya Arintaasi ay dantooda eegayaan ” Gaaladu waxay wataan Diimuqraadiyadda dalkooda, Laakiin inagu waxaynu Wadnaa Danta dalkeena “. Ayuu yidhi Faysal.
Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu isugu doonayo In Doorashadu dhacdo, Isagoo Isku Arka inuu yahay Musharaxa Badali doona Axmed Siilaanyo, Laakiin waxaa taasi ka hor yimid Labada Xisbi ee ay Hogaamiyaan Faysal Waraabe iyo C.raxmaan Cirro oo doonaya in dib loo dhigo.
Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan Wax Amar ah ka Qaadan doonin dalalka Taageera maamulka Somaliland ” Gaaladu Anaga Nama Xukumaan, Gacan ayay Nagu Leeyihiin, Ma Xamar ayay Na Moodeen, Xamar ayay dhahaan 30% ka dhiga Dumar, Cidna Marti uma Nihin “. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at