Daawo Video: Xasan Sheekh oo xalay dhoola­tus siyaasadeed sameeyey lana kulmay 180 xildhibaan iyo wixii dhacay

Daawo Video: Xasan Sheekh oo xalay dhoola­tus siyaasadeed sameeyey lana kulmay 180 xildhibaan iyo wixii dhacay

daajis.com:- Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan aan caadi aheyn Villa Somalia kula qaatay Xildhibaano gaaradha 180 Xildhibaan.

Madaxweyne Xasan oo Xildhibaanadaasi ku marti qaaday Villa Somalia, ayaa waxa uu ka dalbaday inay siyaan codadkooda, waxa uuna tilmaamay in Dowladiisu ay waxbadan qabatay halka howlo kalane ay qabyo u yihiin.

Xasan Sheekh, ayaa sheegay in guul ay u tahay haddii 180 ee kasoo qeybgashay martiqaadka ay codkooda siiyaan, waxa uuna dalbaday in lasiiyo Kalsoonida.


Xasan waxa uu Xildhibaanada u sheegay inuu ballanqaadayo in waxbadan uu ka bedeli doono xaalada ka taagan dalka.
Xildhibaanada kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay taageersan yihiin in Musharax Xasan Sheekh islamarkaana ay Codkooda siiyaan sida ay sheegeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada