Dhegayso RW. Saacid oo Xildhibaanada kala hadlay hogaanka cusub ee Somalia

Dhegayso RW. Saacid oo Xildhibaanada kala hadlay hogaanka cusub ee Somalia

daajis.com:- Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa fariin u diray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, Wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay ka fakaraan  shaqsiga sanadkaan ay u dooranayaan hogaanka dalka Soomaaliya.

Wuxuu u sheegay xildhibaanada baarlamaanka in gacantooda uu ku jiro masiirka Soomaaliya, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay ka fakaraan shaqsiga noqonaya hogaanka dalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayuu ugu baaqay inay muujiyaan taxadar badan iyo dulqaad, maadaama ay dooranayaan madaxweynaha dalka hogaaminaya afarta sano ee soo socota.

HALKAN KA DHEGAYSO RW SAACID OO LA HADLAY 
“Gacantooda masiirka Soomaaliya ayaa ku jiro, si miyir qabta oo maskax leh inay codkooda u bixiyaan, sidaad maanta codkiina u bixisaan ayay Soomaaliya u ekaan doontaa, si aan u shalaayin oo waqti kale nooga lumin taxadar badan iyo dulqaad muujiya”ayuu yiri Saacid.

Ra’iisul wasaare hore Mr Saacid ayaa codka kalsoonida ka waayay xildhibaanadii hore ee baarlamaanka kadib markii ay is qabteen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada