Madaxweyne Xasan oo shaaciyey Sir uu muddo Qarinayey (Lama Filaan)

Madaxweyne Xasan oo shaaciyey Sir uu muddo Qarinayey (Lama Filaan)

daajis.com:- Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay shir xasaasi ah oo Saxaafaddu dibad joog ka ahayd la qaatay Qaar ka mid ah Mudanayaasha labada golle ee dawladda Faderaalka Soomaaliya, wuxuu kala si kulul uga hadlay qorshayaal guracan oo ay wadamada derisku ka leeyihiin arrimaha Soomaaliya iyo xaalad adag oo soo food saartay mudooyinkii ugu dambeeyey.

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday wuxuu sheegay in mudo ka badan 5 jeer loo keenay qorshe ladoonayey in lagu kala diro baarlamaankii 9aad ee Soomaaliya, kaas oo ay soo maleegeen dawladdaha gobalka qaarkood iyo wadamo waa weyn, laakiin wuxuu sheegay in uu mar kasta eegayay danaha Ummadda Soomaaliyeed iyo muhiimada ay leedahay in dawlad dhameystiran la helo.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in ay Soomaaliya leedahay cadow badan oo ay ugu horeyaan wadamada deriska ah, wuxuu si kulul u sheegay in uu wax badan ka difaacay Soomaaliya mudadii uu xaafiiska joogay.
Labada Golle wuxuu u sheegay in haddii ay dib u doortaan ay uga dhigan tahay Soomaaliya oo lasii difaaco, wuxuu cadeeyey in ay jiraan rag badan oo hadda sharaxan, ujeedooduna tahay in ay Soomaaliya Iib-geeyaan.

Sida ka muuqata Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud oo Saxaafadda oo dhan loo diiday wuxuu u muuqday nin doonaya in markale la doorto, hadalada cajiibka ah waxaa kamid ahaa in uusan ka fakarin lacag qaadasho iyo danihiisa gaarka ah iyo kuwa qabaa`ilkiisa, laakiin uu xooga saaray Soomaaliya oo laga difaaco cadowyada weerarka ku ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada