Muuqaal: Faroole oo Shaki geliyey inay Xalaal Tahay Hantida Reer MUQDISHO Iyo Dad badan oo ku sifeeyay Gef wayn

Muuqaal: Faroole oo Shaki geliyey inay Xalaal Tahay Hantida Reer MUQDISHO Iyo Dad badan oo ku sifeeyay Gef wayn

daajis.com:- C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka Madaxweyne  Soomaaliya ayaa  sheegay in hantida ugu badan ee Soomaaliya ay taallo caasimada dalka ee Muqdisho, sababta loogu ordayana Xamar ay tahay dhaqaalahaasi yaal si kastaba haku timaadee waa sida uu hadalka u dhigaye.


Faroole ayaa shaki geliyay xalaal ahaanshaha hantida iyo lacagta taal Xamar ee ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in ay xalaaleeyaan hantida ay leeyihiin si kastaba haku timaadee,  kuna xalaaloowi karto in ay kala badh ugu tabarucaan dadka abaaruhu hayaan.

Faroole oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ayaa maalmaha soo socda kusoo wajahan magaalada Muqdisho, isagoo ka mid ah murashaxiinta tartanka u gelaya xilka madaxweyne, inkastoo aan la ogeyn inuu tartankaasi ka hari doono iyo in uu ka dhabeyn doono hadalkiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada