Muxuu Salaad Cali Jeelle ka yiri guuldarrada usoo hoyatay Faarax C/qaadir?

Muxuu Salaad Cali Jeelle ka yiri guuldarrada usoo hoyatay Faarax C/qaadir?

daajis.com:- Siyaasi Salaad Cali Jeele ayaa ka hadlay Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee maalinimadii shalay ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka BFS.

Salaad Cali ayaa sheegay in Guul darida usoo hoyatay Faarax C/qaadir ay tahay mid ka turjumeysa tan kusoo fool leh Kooxda Damul-Jadiid, sida uu haddalka u dhigay mar uu la hadlaayay Idaacada DR ee magaalada Muqdisho.

Salaad Cali Jeele oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri ”Waxa ay guul darro usoo hoyatay Faarax C/qaadir marka la dulmarana waxa ay usoo hoyatay Damul-Jadiid, waxa ay guul daradaani ka dhigan tahay tan kusoo fool leh Xasan Sheekh” ayuu yiri Salaad Cali.

”Guuldarada Faarax waa Jaalle la siiyay Damul-jadiid Roosuhuna Xasan Sheekh ayuu fadhigiisa ugu tagi doonaa”

Salaad Cali waxa uu tilmaamay in guul darada Faarax C/qaadir ay saameyn karto dhammaan Xubnaha ka tirsan Kooxda Damul-Jiid ee u sharaxan Xilka Madaxweyninimo ee Somalia.
”Haddii uu guuleysan lahaa Faarax C/qaadir waxaa guuleysan lahaa Xasan Sheekh, maadaama Faarax la reebay waxaa shaki iiga jira in Xasan Sheekh uu haleeli doono afarta sano ee soo socta”

Haddalka Salaad Cali Jeele ayaa imaanaya xili inta badan Siyaasiyiinta kale ay qabaan in guul darada Faarax C/qaadir ay saameyn ku yeelan doonto Madaxweynaha dalka ee doonaaya in mar kale uu soo laabto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada