Aroosyada ay dhigtaan dadka degan qeyb ka mid ah gobolka Kashmir oo amaro cusub lagu soo rogay

Aroosyada ay dhigtaan dadka degan qeyb ka mid ah gobolka Kashmir oo amaro cusub lagu soo rogay

daajis.com:-  Masuuliyiinta Maamulka qeybta Hindiya ay maaamusho ee gobolka Kashmir ayaa mamnuucay qarashka faraha badan ee ku baxa aroosyada.

Waalidka caruusadda ayaa loo sheegay inaysan arooska ku martiqaadi karin dad ka badan 500 oo qof, iyadoo sidoo kale, waalidka caruuska ay xafladda ku marti qaadi karaan ugu badnaan 400 oo qof.

Dowladda waxay sidoo kale sheegtay inay mamnuuc tahay in wax ka badan todobo digsi oo raashiin ah laga kariyo munaasabadda arooska.

“Si aan cuntada loogu ciyaarin ayey tahay ujeedada go’aanadan laga leeyahay, sida dowlad goboleedka ay sheegtay.

Xildhibaan ka mid ah dowladda ayaa codsaday in tallaabo noocaas ah laga dhaqan geliyo dalka Hindiya oo dhan.

Xafladaha arooska ee ka dhaca gobolka Kashmir iyo guud ahaan India ayaa aad qaali u ah, waxaana ku baxo qarash aad u badan.

Waxaa lagu sameeyaa raashiinka dhaqanka ee Wazwan oo la yaqaano oo ka kooban khudaar iyo cunto caadi ah.
Maamul goboleedka ayaa sheegay in amarkan cusub uu dhaqangalaya laga billaabo 1 bisha April ee sanadkan, iyagoo intaa ku daraya in sababta ay tahay in dad badan ay gudbiyeen cabasho ku saabsan xad gudub aan loo dulqaadan karin.

Maamulka gobolkaas ayaa tallaabo noocan ah ku soo rogay Kashmiir, qeybta Hindiya ay maamusho, sanadkii 1984-tii Balse amarkaasi dib ayaa loola noqday ka dib dibadbaxyo aad u ballaaran.

Xafladaha aroosyada ee Hindiya oo dhan ayaa qaali ah, dad badanna waxay sameeyaan cunto qaali ah oo aysan jirin cid cuneysa, sida ay sheegayaan dadka u ololeynaya in la mamnuuco aroosyada qaali ah ah.

Bishii November, xaflad aroos oo socotay shan maalmood waxaa lagu bixiyay $74 milyan oo dollar, tasoo si weyn looga qeyliyey.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya xilli inta badan shacabka India ay la daalaa dhacayaan faqri aad u hooseeya iyo nolol liidata oo gaarsiisan heer dadka qaarkood ay la yihiin wax ay cunaan si ay u noolaadaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada