Degaan ka tirsan dalka Talyaaniga oo laga qaxayo ka dib musiibo rabbaani ah oo lagu arkay (Daawo Sawirro)

Degaan ka tirsan dalka Talyaaniga oo laga qaxayo ka dib musiibo rabbaani ah oo lagu arkay (Daawo Sawirro)

daajis.com:- Musiibo rabbaani ah ayaa ka taagan degaan lagu magacaabo Ponzano oo ka tirsan gobolka San-Filippo ee woqooyiga galbeed ee dalka Talyaaniga.

Dhulka uu ku fadhiyo Degaaankan ayaa waxaa Maalin kasta lagu arkaa dilaacyo waaweyn oo ka sameysmaya kuwaasoo aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya.

Dadka degaankaas ku noolaa ayaa sheegay in dhul dilaacan uu muddo sanado ah jiray balse marba marka ka dambeysa xaaladu ay ka sii dareysay.

In ka badan boqol qoys oo ku noolaa degaankan ayaa la sheegay iney ku hoy beeleen masiibadan ka dib markii guryahooda uu soo dumiyey dilaacyo ka sameysmay dhulka.

Meelaha qaar degaankan dhulka ayaa waxaa lagu arkay dhulka oo hoos u go’ay qiyaastii 10 mitir, iyadoo wararku sheegayaan in buur halkaas ku taalla ay labo u kala jabtay dilaac ku dhacay awgeed.
Waddooyin iyo buundooyin uu lahaa degaankan ayaa sidoo kale dhul dilaacan uu burbur xooggan u geystay, waxaana sii adkaaneysa nolosha halkaas ka jirta.
Qoysas badan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay halkaas laga raray sida ay qorayaan wargeysyada ka soo baxa Talyaaniga, iyadoo qoysaska degaankaas ku harayna ay taagan yihin xaalad quus ah.
Khubaro Talyaani ah oo ku taqasusay cilmiga dhulka (Giology) ayaa degaankas muddo badan ku sugan iyagoo baaraya sababaha keenay dhulka iska dilaacaya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada