Layaab:- Inaan Somaaliya la midowno waxaan kajecelnahay inaan Itobiya ku biirno shuruud la’aan”suldaanka guud ee Isaaq.

Layaab:- Inaan Somaaliya la midowno waxaan kajecelnahay inaan Itobiya ku biirno shuruud la’aan”suldaanka guud ee Isaaq.

daajis.com:- Suldaanka guud ee beelaha Isaaq Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo wareysi siiyay mid kamida Wargaysyada magaalada Hargaysa, ayaa tilmaamay in aanay jirin wax dambe oo isku keenaya Somaliland iyo Somaliya oo ay mar dambe ku midoobaan.

Madaxweynaha Somaliya waxaan ugu baaqay inuu caddeeyo mawqifkiisa ku saabsan Somaliland ayuu ku bilaabay suldaanku Hadalkiisa, waxaana uu kudooday in lajoogo xiligii Labada dhinac ay kala Tashan lahaayeen oo Qolo waliba danahooda ku mashquuli lahaayeen.

Suldaanka mar wax ka weydiinay sida uu arko Madaxweynaha cusub ee Somaliya ayuu yidhi “Horta Inagu Madaxweynaha Somaliya maynu dooran, Madaxweynaha aynu dooranay waa Siilaanyo, madax banaanidayadana Xamar kama rabno.

Madaxweyne Xamarna weydiisan maayo, waxa jira Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, oo aynu wax weydiiisan karnaa, oo inoo soo jawaabi kara, waxaana Qaramada Midoobay leeyahay madaama Somaliya aanu ammaan buuxa ka jirin, Somaliland ma ogola mana aqoosana, dawlad Soomaaliyeed inay matalayso.
Isaga oo hadalkiisa wata ayuu suldaanku yidhi” Somaliland gaar bay u baxday, waxayna isku taagtay inay dawlad gaar ah noqoto, Madaxweynaha Somaliya qabsadayna in aanu taas waxba ka qabin ha noo caddeeyo, Somali dib la iskugu keenayaana jiri mayso, Somali dambe oo midnimo iskugu imanaysa meesha ma taalo”.

Suldaanka Guud ee Somaliland mar uu ka hadlaayey in Somaliya aanay waxba u ogolayn Somaliland ayaa yidhi“Dadka reer Somaliland wey tashadeen, reer Xamarna wey tashadeen, maxa nin reer Somaliland looga dhigan waayey Madaxweynaha Somaliya.

Xamar haddii ay dhab ka tahay Somalinimadu, maxay Madaxweyne u dhashay Somaliland uga soo bixi waayey Xamar, lama ogola in nin reer Somaliland ahi uu Somaliya ka noqdo Madax, taasna weynu aqoonsanay, reer Somaliland waxay isku raaceen inay ka gaar noqdaan Somaliya, madaama aanay u ogolayn Madaxweyne, Raysal-wasaare,Janano, dad wax doonayaba la inagaba soo qaadin ee adhi la dhaqayo ayeynu noqonay, adhigii la dhaqayey maanta ma nihin” ayuu yidhi suldaanku.

Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa kudooday intii ay Somaaliya ay lamidoobi lahaayeen inay kajecelyihiin ku biirista Itobiya oo xitaa aan shuruud lagu xidhin waxaanu yidhi” dawladaas inoogu xigta ee Itoobiya ayeynu wax la qabsanaynaa, kuwaas ayeynu ku biiri lahayn haddii aynu cid ku biirayno, laakiin inta aanu Xamar ku biirayno waxaanu ka jecel nahay kubiirista Itoobiya”.

Source Geeska

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada