MUUQAAL: Dawlada UK oo Dhaqaale Xoogan ugu Deeqday Soomaaliya iyo Raysalwasaare Khayre oo la Kulmay

MUUQAAL: Dawlada UK oo Dhaqaale Xoogan ugu Deeqday Soomaaliya iyo Raysalwasaare Khayre oo la Kulmay

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay la kulanka Safiirada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlaya taageerada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.


Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maanta la kulmay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar, iyadoo Safiirka uu soo dhoweeyay magacaabista Mr Kheyre.

Safiirka UK ayaa sheegay in dowladda UK ay si dhow ula shaqeyneyso Ra’iisul Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono, Wuxuuna sheegay in UK ay ugu deeqday Soomaaliya lacag gaareysa boqol milyan oo gini oo ah gargaar cusub, si wax looga qabto abaaraha, iyo xaalada 600,ooo carruur oo soo wajahday xaalad nafaqo darro ah.

Sidoo kale Safiirka UK ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub qaban qaabada shir heer sare ah oo ay marti gelineyso dowladda UK, kaasoo dhowaan ka dhici doono magaalada London, waxaana Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb geli doona dowlado badan, iyadoo looga hadlayo arrimaha amniga, dhaqaalaha, abaaraha iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaana la filayaa in Soomaaliya loogu deeqo dhaqaale.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada