DAAWO: C/wali Gaas “Waxaan u nimid Muqdisho inaan la socono is bedelka ka dhaci doona Soomaaliya “

DAAWO: C/wali Gaas “Waxaan u nimid Muqdisho inaan la socono is bedelka ka dhaci doona Soomaaliya “

daajis.com:- Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado in 8-da bishan ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha.

C/wali Gaas ayaa socdaalkiisa Muqdisho ku tilmaamay inay la socon doonaan doorashada Madaxweynaha, isagoo xusay in Puntland qeyb muhiim ka tahay Dowladda Federaalka, ayna doonayana inay wax ka ogaadaan oo ay kor-joogto ka noqonayaan doorashada.

Mr Gaas ayaa sheegay inay doonayaan inay goob joog ka noqdaan is bedelka ka dhici doona dalka, isagoo meesha ka saaray wararka sheegaya inay taageerayaan Musharax gaar ah.

C/wali Gaas ayaa noqonaya Madaxweynihii afaraad ee ka socda Maamul goboleedyada oo ku sugan Muqdisho, waxaa horay ugu sugnaa Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.


Qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa horay ugu eedeeyay Madaxda maamul goboleedyada inay fara gelin ku hayaan doorashada, isla markaana taageerayaan Musharax gaar ah.

Si kastaba ha ahaatee doorashada Madaxweynaha ayaa ah mid ay ku tartamayaan Musharaxiin culus, waxaana halgan iyo dadaal dheer loogu jiraa, sidii loogu guuleysan lahaa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada