daajis.com:- Dabaaldegyo waaweyn ayaa xalay lagu soo dhoweyayey doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana xalay illaa saqdii dhexe ka socday caasimada dalka Soomaaliya dalalka deriska la’ah dalka Soomaaliya banaanbaxyo waaweyn.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay Rasaas xooggani oo gees ka gees magaalada isqabsatay hawada loo ridayay, taasi oo qeyb ka aheyd dabaaldega, iyadoo dadweyne aad u fara badan ay isugu soo baxeen caawa wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.
Dadka isugu soo baxay jidadka oo sida daadkii oo kale u qulqulayey ayaa waxaa wejiyadooda ka muuqatay farxad aan qiyaas laheyn, iyagoo ku qeylinaya magaca Geesigeena Farmaajo, waxaana aad halmar u kacay xaalada guud ee magaalada.
Waxaa sidoo kale iyadana aad looga dabaaldegay dalalka dibeda, sida Kenya, Turkiga, iyo dalka Ingariiska.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:00 and have
