DAAWO: Gabadhii Wacdaraha Ka Dhigtay Filimka Dangal Fatima Sana Shaikh, Waxay Taageere U Yahay Atoore Ay Xifaaltamaan Aamir Khan, Waase Kuma?

DAAWO: Gabadhii Wacdaraha Ka Dhigtay Filimka Dangal Fatima Sana Shaikh, Waxay Taageere U Yahay Atoore Ay Xifaaltamaan Aamir Khan, Waase Kuma?

daajis.com:- Labada gabdhood ee dhallintayar Fatima Sana Shaikh iyo Sanya Malhotra ayaa magac weyn ku yeeshay shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Industry ka dib markii ay kasoo dhalaaleen doorarkoodii filimka Dangal waxayna ku mataleen doorarka walaalaha dhabta ah Geeta iyo Babita Phogat.

Fatima Sana Shaikh iyo Sanya Malhotra ayaa waxay si weyn uga mahdinayaan inay fursad u heleen inay shaashadda la wadaagaan atooraha caanka ah ee Bollywood Aamir Khan kaasoo hogaamiye ka ahaa filimka Dangal.

Filimka Dangal ayaana guulo weyn ku tallaabsaday, Fatima oo door muhiim ah ku laheyd filimkaan ayaana daaga ka qaaday inuu Aamir Khan ka warhaayey inay taageero weyn u tahay Superstar Shah Rukh Khan laga bilaabo maalintii ay isbarteen labadoodu.
Iyadoo wareysi gaar ah siisay shabakadda PV Times, 25 sanno jirtaan Fatima Sana Shaikh ayaa daaha ka qaaday inay si weyn uga niyadjabtay markii ay ku guuleysan weysay abaalmarinta Filmfare Award for Best Debut.

Marka laga soo tago inay taageere waalan u tahay SRK, Fatima Sana Shaikh ayaa daaha ka qaaday inay dhanka shaqada iyo jilliinka ay kaga dayato Mr. Perfectionist isla markaana ay ixtiraam badan u heyso.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WAREYSIGII LALA YEESHAY FATIMA SANA SHAIKH.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada