daajis.com:- Shirkadaha Dayuuradaha Kenyan Airways iyo Ethiopian Airlines ayaa bilaabay inay diidaan qaadida dadka Soomaalida ah ee ku sii jeeda dalka Maraykanka.
Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka garoomadda Dayuuradaha Kenya ayaa sheegay in Soomaalida ku sugan Kenya ee doonaya inay u socdaalaan Maraykanka dib loo celinayo.
Waxa ay arintani ku soo beegmeysaa iyadoo xayiraaddii Donald Trump uu ku soo rogay dadka ka soo jeeda dalalka Soomaaliya, Sudan, Syria, Yemen, Libya, Iraq iyo Iran laga qaaday, ka dib markii ay diiday maxkamad ku taalla magaalada Seattle ee dalka Maraykanka.
Soomaali badan oo haysatay Visaha ama dal ku-galka iyo (Green Card-ka Maraykanka) ee joogay magaalooyinka Muqdisho, Adiss Abeba, iyo Nairobi, ayaa waxay u dhoofeen magaaladda Johannesburg, iyagoo qaar ka mid ah ay halkaas ka raaceen Duullimaadyo ku sii jeeday dalka Maraykanka.
Dhinaca kale, Soomaali Sodomeeyo gaarayasa oo ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa iyaguna bilaabay inay si dhaqsiyo ah ku aadaan dalka Maraykanka, maadaama dadkani ay haysataan Fiisaha iyo Green Card-ka lagu galo dalka Maraykanka, waxaana shalay iyo maanta ka dhoofay magaaladda Muqdisho, dad badan oo ku sii jeeda dalka Maraykanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at