Maxkamad ku Gacansayrtay Racfaankii uu Trump ka Qaatay Takooridda 7 Wadan oo Soomaaliya ay ku Jirto (VIDEO)

Maxkamad ku Gacansayrtay Racfaankii uu Trump ka Qaatay Takooridda 7 Wadan oo Soomaaliya ay ku Jirto (VIDEO)

daajis.com:- Maxkamad heer federaal ah ayaa gaashaanka u daruurtay codsigii maamulka Trump uu ku doonayey in si dhakhsiyo ah dib loogu dhaqan geliyo qaraarkii madaxweyne Trump uu dadka ka soo jeedo 7 dal oo muslin ah uga mamnuucay inay soo galaan dalka Maraykanka.

Xayiraadda qaraarkani waxay saamaynaysay dadka u dhashay todobada dal oo Muslin ah.
Qareenada amarkan diidanaa ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid aan dastuuri ahayn isla makaana dadka kala takooraya.

Garsoore heer fedeaal ah oo fadhiyay maxkamad ku taal magaalada Seattle ayaa dalabka qareennada dowladda hore ugu gacan sayray.

Waxay doodoodu ahayd in aanu isagu awood u lahayn inuu ilaaliyo qaraarka madaxweyne Trump.
Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ayaa haatan waxaa si weyn uga hor imanaya maxkamadaha Maraykanka oo awood buuxda u leh iney tuuraan sharci kasta oo khilaafsan dastuurka wadankaasi.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada