Daawo : Khasaaraha Ba’an ee ka dhashay Qaraxii Muqdisho oo Kordhay

Daawo : Khasaaraha Ba’an ee ka dhashay Qaraxii Muqdisho oo Kordhay

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya  Qaraxa dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Suuq kuyaala Xaafada Kaabo Godey ee Degmada Wadajir gobolka Banaadir.

In ka badan 30-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxaasi aadka u xooganaa , waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad ka badan 40-qof oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo aad u culus.

Dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxan xoogan ee ka dhacay Suuqa Kaawo Godey ayaan helin gurmad deg deg ah, waxaana daqiiqado badan kadib halka uu qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka Amplaasta kuwaa oo markii dambe goobta ka qaaday dhaawacyada iyo dadka dhintay.

Qaraxa ka dhacay Suuqa kuyaala Xaafada Kaawo Godey ayaa sidoo kale sababay in uu gubto qeybo kamid ah Suuqa , waxaana markii dambe dabka damiyay gaadiidka dab damiska oo goobtaasi si deg deg ah u gaaray.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada