daajis.com:- Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ka sokow inuu ahaa qurbe joog ku nool dalka Mareykanka, siiba gobolka New york degaan weynaheeda Buffalo, wuxuu la shaaciyay inuu lahaa xirfad kale.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ku xiriirto ayaa lagu sheegay in Maxamed C/llaahi Farmaajo uu leeyahay aqoon garsoore kubadda Cagta ah, isagoo ka heysta shahaado.
Dadkii arrintan ka hadlay ayaa qaarkood sheegay in howsha cusub ee u taalla madaxweyne Farmaajo ay tahay mid u eg garsoorenimo isagoo u dhaxeeya hay’adaha fulinta ee xukuumadda iyo Baarlamaaka oo sharci dejin ah.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at