WARBIXIN: Shacabka Kenya oo dowladooda ku cadaadinaya in ciidamadooda laga soo bad baadiyo Soomaaliya

WARBIXIN: Shacabka Kenya oo dowladooda ku cadaadinaya in ciidamadooda laga soo bad baadiyo Soomaaliya

daajis.com:- Dadka dalk Kenya ayaa doonaya in si deg deg ah ciidamadooda looga soo saaro dalka Soomaaliya ayna joojiyaan howlgalkooda Amisom

Warbixin lagu daabacay Wargeyska The Star ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in 63 boqolkiiba dadka Kenya ay doonayaan in KDF-ta laga soo saaro Soomaaliya halka 37 boqolkiiba ay doonayaan iney sii wadaan dagaalka ka dhanka ah AlShabaab

Kooxda AlShabaab ayaa xoojisay weerarada ay ku hayso ciidamada Kenya ee Soomaaliya waxaana looga laayay askar badan

Warbixintan oo sidoo kale laga sii daayay Raadiyaha Baaritaanada sameeya ee Afrika ayaa waxaa ay Kenyanka 80 boqolkiiba aysan aamisaneyn in dowlada aysan ka run sheegin dhibaatadii ciidamada Kenya loogu geystay deegaanka Kulbiyow, ee Soomaaliya, iyo sidoo kale weerarkii sanadkii hore ee Ceel-Cadde.


“Dowlada waa iney sii deysaa dhibaatada loo geysto ciidamada” ayay warbixintu sheegeysaa xili dowlada Kenya aysan shacabkeeda ugudbin dhibaatada ciidamadeeda loogu geysto Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya galay bishii October ee sanadkii 2011-ki markaas oo ay dhowrmar AlShabaab weeraro ka geysteen gudaha Kenya
Weerarkii Ceel Cadde ayaana la sheegaa inuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ay AlShabaab kku qaadeen ciidamada Kenya, madaxweynaha Kenya ayaana markaas sheegay in militerigooda uusan Soomaaliya kasoo bixi doonin inta ay kasoo afjarayaan dagaalka ka dhanka ah AlShabaab


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada