MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Ku dhowaaqay in Ciidamada Soomaliya Loo Diyaariyo Waxa ay u baahan yihiin

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Ku dhowaaqay in Ciidamada Soomaliya Loo Diyaariyo Waxa ay u baahan yihiin

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isu yeeray safiirrada dalalkooda ay ku jiraan ciidammada AMISOM iyo saraakiishooda, waxaana uu kala hadlay howlgalka AMISOM iyo in ay muhiim tahay waqtigaan dardargelinta howlgallada ka dhan ah kooxaha nabad-diidka.


Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey AMISOM iyo madaxdooda sida ay ciidammada Soomaaliyeed u gacan siiyeen, laakiin waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya loo diyaariyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin sida qalabka iyo waxyaabaha kale ee la xiriira awooddooda, AMISOM-na looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan dhismaha ciidammada Soomaaliyeed ee mar ka ugu dambeysa AMISOM kala wareegi doona amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dalka gobollo badan oo ka tirsan ay ka jiraan Abaaro, sidaa darteedna ay waajib tahay in si nabad ah dadka loo gaarsiiyo gurmadka ay u baahan yihiin, iyadoo ay iska kaashanayaan dowladda, ciidammada Qalabka Sida iyo AMISOM oo wadajira.

Ugu danbayntii Kulanka ayaa waxaa la isku afgartay in si deg deg ah loo Dardargaliyo howlgallada lagu soo afrjarayo kooxaha argagixisada ah ee nabadda diiddan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada