daajis.com:- Haweenayda Madaxweynaha 92-sano jirka ee Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa sheegtay inuu yahay qof caan ah oo la jecelyahay xitaa haddii uu dhinto, wuxuu u tartami kara isagoo meyd ah doorashada sanadka soo socda islamarkaana uu weli ku guuleysan karaa codbixinta shacabka.
Grace Mugabe, oo 51 jir ah ayaa la hadlaysay taageerayaasha ka tirsan xisbiga Zanu-PF.
Mugabe ayaa soo maamulayay Zimbabwe tan iyo dhamaadkii xukunkii gumaysiga cadaanka ee 1980 ka dib markii dagaal qadhaadh uu dhex maray.
Xaaskiisa, oo inta badan muujisay qirashadeeda iyada inay daacad u tahay ninkeeda, ayaa kasbatay jaceelka sii kordhaya ee shacabka iyo taliska dawlada.
“Maalin maalmaha ka mid ah marka ay tii rabi ku timaado oo Mugabe dhinto, waxaan meydkiisa usoo sharaixin doona doorashada ,” ayay sheegtay Grace isu soo baxa taageerayaasha ee Buhera, koonfurta-bari ee caasimada Harare.
“Waxaad arki doontaa dadka oo u codeynayaan dorashada Mugabe oo meyd ah , taasi si dhab ayaan idiinku sheegaya -. Kaliya si loo muujiyaa dadka jecelka ay u qabaan madaxweynaha,” ayay tiri.
Madaxweyne Mugabe ayaa waxaa ku taageeray xisbigiisa inuu mar kale u istaagaa doorashada sanadka soo socda , laakiin dhawaan dib u gooyay inuu kasoo dhax muuqdo dadweynaha.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:29 and have
, Published at