DAAWO: Waraysi Qosol iyo la yaab leh C.weli GAAS oo ka Hadlay Kacdoonka Looga soo Horjeedo iyo Xaalada P.land

DAAWO: Waraysi Qosol iyo la yaab leh C.weli GAAS oo ka Hadlay Kacdoonka Looga soo Horjeedo iyo Xaalada P.land

daajis.com:- Madaxwyanaha maamulka Puntland C.wali Gaas ayaa Waraysi uu bixiyey wuxuu uga hadlay arimo kala duwan oo Quseeya Puntland iyo Isbadalka Dawladda Dhexe ee Soomaaliya oo Rajo wanaagsan uu ka muujiyey, waxaana ugu horayn wax laga waydiiyey waxyaabaha u Qabsoomay maamulkiisa inta uu Xilka Hayey.

Gaas ayaa wuxuu ka hadlay Culayska uu leeyahay Xilka Madaxwayne,  Wuxuuna sheegay in Fekerku Badan yahay, Balse Qofkasta oo uu yimaada uu War naxdin leh kuu wado ayuu sheegay, Wuxuuna sheegay inuu la kulmay waxyaabo badan oo aanu Filayn.

Waxaa wax laga Waydiiyey Diyaarada uu inta badan Saaran yahay, Wuxuuna sheegay in Safarkiisa midka ugu badan uu ku tagay deegaanada maamulka Puntland, Isagoo sheegay inuusan jirin madaxwayne tagay,  Sidoo kalana Gobolada kale ee Soomaaliya ayuu sheegay inuu u tagay danta Qaranka, Sidoo kalana Safarada Dalalka Debeda ayuu sheegay in  loo baahan yahay in Puntland la Gado. “Soomaaliya way bur-burtay, Laakiin Puntland way ka duwan tahay, Khayraad badan ayaa ku jira, in la Gado ayay u Baahan tahay”.


C.wali Gaas wuxuu  hadlay Xaalada kacsan iyo Siyaasadaha looga soo Horjeedo, Wuxuuna sheegay inaan Cid gaar ah wax lagu yeeli doonin Balse ay Puntland oo dhan wada saamayn doonto, “Puntland  uma baahna buuq, xasarad, uma baahna nin dan leh inuu dadka kiciyo, waxay u baahan tahay, iyadoo mid ah oo danteeda raadsato, degenaansho, nabadgelyo iyo horumar”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada