Ra’isul Wasaare Khayre oo Lagu Wado in Maalita Beri ah la Horgeeyo Baarlamaanka Federaalka (VIDEO)

Ra’isul Wasaare Khayre oo Lagu Wado in Maalita Beri ah la Horgeeyo Baarlamaanka Federaalka (VIDEO)

daajis.com:- Ra’isul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah la horgeeyo xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay codka kalsoonida u siiyaan.

Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa aad u taageersan siyaasada R/Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana beri la filayaa in si buuxda u siiyaan codka kalsoonida marka uu Madaxweynaha horkeeno baarlamaanka.

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo qaar kamid ah shalay Muqdisho ay ku qabteen kulan lagu tageerayay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, ayaa ugu baaqay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka inay siiyaan codka kalsoonida.

Maalintii shalay ayay ahayd markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka uu xildhibaanada Golaha Shacabka ugu baaqay in 1-da Maarso-2017 laga doonayaa dhamaantood iney yimaadaan xarunta Golaha Shacabka, saacadda marka ay tahay 09:00am subaxnimo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada