Dagaalyahano ka Tirsan Al Shabaab oo Xalay Weerar Culus ka Geystay Gudaha Dalka Kenya (VIDEO)

Dagaalyahano ka Tirsan Al Shabaab oo Xalay Weerar Culus ka Geystay Gudaha Dalka Kenya (VIDEO)

daajis.com:- Dagaalyahanno taabacsan Ururka Al Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay waxa ay weerar ballaaran ku qaaday Deegaanka Carabiya, oo ka tirsan Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Dagaalyahanadan Shabaabka, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dhawr jiho ay ka soo weerareen Deegaanka Carabiya, iyagoona halkaasi dagaal kula galay Ciidamadii Booliska ee ka hawlgalaayay deegaankaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaawarbaahinta u sheegay in Shabaabku ay weerarkaasi ku dileen 15 ka mid ah Ciidamada Booliska, sidoo kalana ay gubeen gaari ay askartu laheyd.

Ninkan oo ka gaabsaday magaciisa ayaa wariyeyaasha u sheegay “in 1-dii habeenimo ee xalay ayay Al Shabaab meelo badan ka soo weerareen Deegaanka Carabiya, Carabiya waa deegaan wayn oo ku yaala inta u dhaxeyso Mandheera iyo Beled Xaawo, waxayna ka mid tahay meelaha laga ilaaliyo magaalada Mandheera.”

“Markii Al Shabaab ay soo gashay Carabiya waxay toos u weerartay Saldhiga Booliska. Dagaal adag ayay meesha kula gashay Ciidamadii Booliska ee xaruntaasi joogay, 15 askarina way ku dishay, gaari uu booliska lahaana way ku gubtay. Wixii hub ee saldhiga yaalayna way ka qaateen.”

“Intaas ka dib Al Shabaab waxay weerartay Xaruntii Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee Deegaanka Carabiya, waxaana saakay maqalnay inay Al Shabaab dab qabadsiisay shirkadda, lacago taalayna horey u sii qaateen.”

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa la sheegayaa inay saacado haysteen deegaanka Carabiya, waxayna markii dambe si iskooda ah uga baxeen degmrdaasi, waxayna horey u sii qaateen laba baabuur, iyagoo u ruqaansaday dhinaca Gobolka Gedo ee xuduuda Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada