daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in aysan aqbali doonin goobaha danta Guud ee Magaalada Kismaayo iyo sidoo kale xarumihii ay lahaan jirtay dowladda Dhexe in ay dhistaan Shaqsiyaad Gaar ah, waxaana uu sheegay in cidii lagu qabto iyada oo dhisanaysa laga qaadi doono tilaabo waafaqsan Sharciga.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhulalka Banaan ee Magaalada Kismaayo duleedka ku yaalla ay leedahay dowladda , islamarkaana aan la aqbali doonin Sharci aan aheyn Midkii Maxamed Siyaad Bare.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in aysan jirin cid haysan karta dhulkaasi , islamarkaana laga rabo dadka haystaa in ay kusoo wareejiyaan maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Bilihii lasoo dhaafay ka hadlayay dhulalka ku yaalla Magaalada Kismaayo , waxaana uu sheegay in ay soo bateen dadka doonaya in ay dhacaan dhulka dowladda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at