Kenya oo ka hadashay weerarkii ay Alshabaab goordhow kula wareegtay deegaano & Saldhigyo ku yaalla Mandheera

Kenya oo ka hadashay weerarkii ay Alshabaab goordhow kula wareegtay deegaano & Saldhigyo ku yaalla Mandheera

daajis.com:- Dowlada Kenya ayaa goordhow ka hadashay weerar ay Maleeshiyada Al-shabaab kula wareegtay deegaanka Carabiya oo hoostaga Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dowlada Kenya waxa ay sheegtay in weerarkaasi ay fuliyeen Maleeshiyaad dhan 21 kuwaa oo Saacado badan heystay deegaanka Carabiya iyo Saldhiga weyn ee deegaanka.

Maxamuud Saalax oo ah Xiriiriyaha Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in Maleeshiyada ay geysteen xasuuq ba’an waxa uuna tilmaamay in iminka ay ka baxeen deegaanka.

Maxamuud Saalax waxa uu sheegay in goobaha ay la wareegen Alshabaab ay ku sugnaayen Ciidamada Kenya iyo kuwa Mandheera.

Waxa uu tilmaamay in Alshabaab ay isaga baxeen deegaanka waxa uuna tilmaamay in Ciidamo ay u direen Deegaanka Carabiya.
Geesta kale, Maamulka Mandheera ayaa sheegay in dadka ay laayen Alshabaab ay ku jiraan Ciidamo Kenyan ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada