Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo sheegay in sharciga uu saxiixay Donald Trump ee ganaaxa wadamada Sudan, Soomaaliya, Liibiya, 4 kuwa kale ay sii xoojin doonaan oo kaliya argagixisada

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo sheegay in sharciga uu saxiixay Donald Trump ee ganaaxa wadamada Sudan, Soomaaliya, Liibiya, 4 kuwa kale ay sii xoojin doonaan oo kaliya argagixisada

daajis.com:- Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa muujiyay walaac ku saabsan sharciga uu saxiixay Donald Trump, ee ka mamnuucaya muwaadiniinta toddoba dal intooda badan muslimka inay soo galaan Maraykanka.

Sharciga uu saxiixay Trump ayaa lagu soo rogay ganaaxa afar bilood safarka qaxootiga soo galaya Maraykanka iyo 90-maalmood ee safarka wadamada Syria, Iran iyo shan dalalka kale ee Muslimka- ah.

Ururka OIC ayaa ku tilmaamay sharciga mid lagu bartilmaameedsanayo iyo takoor, iyagoo intaa ku daray in ay sii adkayn doonto xaaladda qariban ee qaxootiga.

Waxay sidoo kale qabaan aragtida ah in arintan kaliya ay saacidaynayso argagixisada in ay sii wadaan falalkooda.

'Talaabada u gaarka ah iyo takoorida falalka noocan oo kale ah ayaa u adeegi doonaa oo kaliya fikradaha khaldan ee xagjirka ah ee kooxaha argagaxisada ah oo ku sii dhiiri galin doona si ay u wadaan rabshadaha iyo argagixisada iyadoo lagu jiro waqti xasaasi ah.

Markii Ururka OIC ay la shaqaynayeen dhamaan qaybaha kale, oo ay ku jiraan Mareykanka, si loola dagaallamo xag-jirnimada iyo argagixisada ayaa wanaagsaneed, '' ayaa hadalka OIC lagu daray.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada