daajis.com:- Waxaa xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ka bilaabatay dhageysiga khudbadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha dalka.
Ka hor dhageysiga khudbadaha afhayeenka baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan, Jawaari ayaa sheegay in musharixiinta ay heystaan seddex fursad oo khudbadahooda kusoo bandhigi kareen.
Tan koowaad waxay aheyd doodii baaqatay 31-kii Janaayo, tan labaad waxay tahay khudbadaha maanta ay jeedinayaan, tan seddexaadna ay tahay in musharax walbaa loo ogol yahay muuqaal kooban oo looga sii deynayo TV-ga iyo raadiyaha qaranka.
Waxaa sidoo kale la dhaarinayay xildhibaano cusub oo baarlamaanka ku biiray kuwaasi oo lagu soo doortay gobolada dalka, Waxaa shir guddoominaya kulanka maanta Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, waxaana goobjoog ah 208 xildhibaan.
Sidoo kale ka hor dhageysiga khudbadaha guddoonka baarlamaanka uu lacag ku wareejiyay gudiga gurmadka abaaraha qaranka, waxaana lacagta u guddoomay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carta, waxaana lacagta ay tahay mid kasoo xarootay isdiiwaan gelintii musharixiinta.
Axmed Maxamed Cabdi, oo ah musharax madaxweyne ayaa ka maqan khudbad jeedinta maanta, maadaama uu cudur daartay, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka, waxaana loo daayay go’aanka laga qaadanayo guddiga doorashada madaxweynaha dalka .
Zakariye Xaaji Maxamed Cabdi ayaa noqday musharaxa ugu horeeya ee maanta jeedinaya khudbadaha musharixiinta madaxweynaha
La soco khudbadaha iyo waxii kusoo kordhaa Insha allah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:25 and have
, Published at