DEG DEG: C/kariin Xuseen Guuleed oo iska casilay xilka madaxweynaha Galmudug

DEG DEG: C/kariin Xuseen Guuleed oo iska casilay xilka madaxweynaha Galmudug

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilka madaxweynaha Galmudug.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa shaaciyay warka la xiriira iscasilaada uu ku dhawaaqay Mr Guuleed.

Waxaana la sheegayaa in sababo la xiriira dhanka caafimaadka uu iskaga casilay xilka madaxweynaha Galmudug.

Guuleed oo qaliin dhanka wadnaha galay sanadkii hore ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay laga deyrinayay xaaladiisa dhanka caafimaadka.

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa dhawaan kulan ay ku yeesheen magaalada Cadaado waxay sheegeen inay codka kalsoonida kala laabteen.

Guuleed oo saaxiibo dhow la ahaa Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xafladii caleemo saarka madaxweyne Farmaajo uga maqnaa arimo la xiriira caafimaadkiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada