daajis.com:- Warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegaya in mid ka mid ah Raggii isku Miidaamiyay Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidanka dowladda Kenya ay ku lahaayeen degaanka Kuulbiyow uu ahaa nin u dhashay dalka kenya.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ninkani uu darawal ka ahaa mid ka mid ah Saddex Gaari oo la sheegay in ay isku qarxiyeen saldhigga ciidamada Kenya ee degaanka Kuulbiyow.
Anwar Yogan Mwokozi ayaa la xaqiijiyay in uu ahaa ninkii labaad ee isku qarxiyay, xeredaasi, islamarkaana uu ahaa muwaadin Kenyaan ah oo Al-Shabaab ka tirsanaa .
Sidoo kale ninkaan ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dadka ay baadigoobayaan ciidamada Ammaanka dalka Kenya, laga soo bilaabo dhamaadkii sanadka 2015-kii.
Ninkan isqarxiyay ayaa ku dhashay degaanka goboleedka lagu magacaabo Siaya sanadkii 1981 , waxaana uu ahaa markiisii hore Karishtaan, ka dibna waxaa uu qaatay diinta Islaamka, asagoona markii danbe ku biiray Al-Shabaab Sanadkii 2013kii.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at