Halyeeyga Falastiin oo maxbuus horay u ahaa oo loo doortay hogaamiyaha cusub ee Xamas.

Halyeeyga Falastiin oo maxbuus horay u ahaa oo loo doortay hogaamiyaha cusub ee Xamas.

daajis.com:- Dhaqdhaqaaqa islaamiga ah ee Xamaas, ayaa magacaabay xubin sare oo ka tirsan garabka milatari hogaamiyaha cusub ee Marinka Gaza.

Saraakiisha Xamas ayaa Isniintii sheegay in Yahya Sinwar, Taliyaha sare ee garabka milatariga Ezzedine Qassam , loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa Gaza.

Waxa uu xilka kala wareegi doonaa Ismail Haniya, oo ahaan jiray Ra’iisul Wasaaraha si dimoqraadi ah loo doortay ee maamulka Hamas, kaas oo xilka soo hayay tan iyo bishii June 2007.

Goobjoogayaasha intooda badan ayaa u arkaan Haniyah inay u badan tahay inuu badelo Khaled Meshaal, oo ah madaxa siyaasadda Xamas oo ku nool magaalada caasimada Qatar ee Doha. Khalil al-Haya ayaa loo doortay ku xigeenka Sinwar sidoo kale.

Sinwar, kaas oo lagu qiyaasay dadiisa kontameeyada -, ayaa ah aasaasaha garabka militiri ee Qassam Ezzedine.
Sinwar, oo ay xireen ciidamada Israa’iil sanadkii 1988, ayaa la sii daayay bishii October 2011 ka dib heshiis ku saabsan in ay is dhaafsadaan 1,000 maxaabiis Falastiin ah iyo askari yahuudi ah Gilad Schalit, kaas oo dagaalyahanada Hamas ay ku qabsadeen weerar xuduudaha shan sano ka hore


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada