MUUQAAL: C.raxmaan Faroole oo ka Warbixiyey Jabkii iyo Ceebtii Madaxda Maamulada Ka qabsatay Muqdisho iyo Guushii Madaxwayne Farmaajo

MUUQAAL: C.raxmaan Faroole oo ka Warbixiyey Jabkii iyo Ceebtii Madaxda Maamulada Ka qabsatay Muqdisho iyo Guushii Madaxwayne Farmaajo

daajis.com:- C.raxmaan Maxamed Faroole oo kamid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kusoo Noqday magaalada Garoowe, Wuxuuna ugu horayn ka hadlay Arimihii Doorashooyinka iyo waxyaabihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

C.raxmaan Faroole ayaa si kulul weerar ugu qaaday Madaxda maamul Goboleedyada oo Madaxwaynaha Puntland qayb ka yahay,  Wuxuuna sheegay inay mid ceeb ah ka sameeyeen Muqdisho, oo dhagax la Gudoomay ayna Ceeboobeen.

Wuxuu sheegay in Xildhibaanadu ay diiday inay u Joojiyaan Faragelin shisheeye iyo Mid dhaqaale, Islamarkaana Guusha Farmaajo aysan Filaynin Xubnihii Madashu, Wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay Cadeeyeen in Qofka ay Rabaan ay doortaan.



C.raxmaan Wuxuuna madaxda maamul Goboleedyada ugu Baaqay inaysan Faragelin Madaxwaynaha Cusub ee ay Amaan Siiyaan, Wuxuuna sheegay inay taasi u Fiican tahay Mustaqbalka Soomaaliya.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay wuxuu kusoo arkay magaalada Muqdisho, Wuxuuna sheegay inuu dad wanaagsan kusoo Arkay, Ugu danbayntiina wuxuu ku baaqay in Garoonka Boosaso loogu magac daro Cadde Muuse.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada