Sawirro: Farmaajo oo booqday dhaawacyada qaraxyadii maanta

Sawirro: Farmaajo oo booqday dhaawacyada qaraxyadii maanta

daajis.com:- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu caawa Isbitaalka Madiina uu ku booqday dadkii faraha badnaa, ee ku dhaawacmay qaraxii maanta ka dhacay Suuqa Kaawo Godey ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 35 qof, iyadoo tiro kale oo intaasi ka badana ay ku dhaawacantay. Dhibane-yaashu waxay u badan yihiin rayid.

Madaxweynaha Somaliya oo u kuur-galay xaaladda dhaawacyada, ayaa waxaa uu sheegay in uu ka xun yahay dhibaatada ka soo gaartay qaraxa, isagoona ballanqaaday in dowladiisu ay gacan u fidin doonto.

Inkastoo aysan jirin cid weli sheegatay masuuliyadda qaraxa khasaaraha intaan le’eg gaystay, ayaa wuxuu hadana Madaxweynaha Somaliya uu dusha kaga tuuray mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha Somaliya oo Saxaafadda kula hadlay Isbitaalka Madiina, ayaa waxaa uu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay in aysan kala jecleen dhibaateenta shacabka iyo askarta dowladda, iyadoona uu hadafkoodu ku sheegay in ay wax uun dilaan.

Madaxweynuhu wuxuu shacabka uu ugu baaqay in ay soo sheegaan qaraxyada, iyadoo uu ballanqaaday in qofkii qarax soo sheegaa ay dowladdu siin doonto abaalmarin lacageed oo dhan boqol kun oo lacagta Mareykanka ($100,000).
Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), General C/laahi Gaafow Maxamuud oo ka barbar hadlaayay Madaxweyne Farmaajo, ayaa isna ballanqaaday in qofkii soo sheega bistoolad qof lagu dilay, in la siin doono lacag dhan toban kun oo dollar.
Qaraxa nolosha badan galaaftay ee ka dhacay Caasimadda Muqdisho, ayaa waxaa uu ku soo beegmaya, saacado uun ka dib, markii ay Shabaabku ku hanjabeen in ay la dagaalami doonaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo.
Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Galgaduud, Xasan Yacquub Cali, ayaa maanta sheegay inaanu Farmaajo waxba kaga duwanayn madaxdii isaga ka horeysay, isla-markaana ay la dagaalami doonaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada