Soomaali Taksiile ah oo Xalayn Lagu Dilay Magaalada Pittsburgh ee Dalka Maraykanka

Soomaali Taksiile ah oo Xalayn Lagu Dilay Magaalada Pittsburgh ee Dalka Maraykanka

daajis.com:- Allaha u naxariistee, nin taxiile ahaa oo lagu magacaabo Ramadaan Maxamed ayaa xalay lagu dilay Magaalada Pittsburgh Gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka.

Ragga dilka geystay ayuu boolisku sheegay inay ahaayeen afar dhalinyaro ah, oo sheegay in ay doonayeen inay dhacaan Ramadaan oo taksiile ahaa.

Ragga boolisku uu xiray ayaa lagu kala magacaabaa, King Edwards , Hosea Moore,Daniel Russell iyo Christen Glenn, iyagoo ragani loo haysto in ay dilkaasi ka dambeeyeen.

Ramadaan Maxamed waxaa waxa uu dunida ka tagay xaas uur 8 Bilood ah leh iyo hal cunug, kuwaasi oo ku nool Dalka Kenya, Booliska waxa ay shegeen inay wadaan Baritaan ku aaday cidii dilka gaysatay.
Dilkan loo geystay muwaadinka Soomaaliyed, ayaa waxaa ay cabsi ku abuurtay dadka Soomaalida ah ee Taksiyada ku wada dalka Mareykanka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada