Soomaaliya oo Maanta Guushii u Horeysay ka soo Hoysay Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya (VIDEO)

Soomaaliya oo Maanta Guushii u Horeysay ka soo Hoysay Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya (VIDEO)

daajis.com:- Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa maanta aqbashay inay u gudo gasho dacwadda Soomaaliya ay gudbisay ee ku saabsan muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa horay ugu gacan seyrtay soo jeedintii dowladda Kenya ee ahayd in heshiiska Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ka heshiiyaan xadeynta badda.


Intii uu dhageysiga socday, waxaa soo baxday in labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin ujeedada laga lahaa Is-afgaradkaasi.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada