Taageere Arsenal Ah Oo Nafsaddiisa Haligay, Dalka Uu U Dhashay Iyo Sida Ay Ku Dhacday Arrintaani

Taageere Arsenal Ah Oo Nafsaddiisa Haligay, Dalka Uu U Dhashay Iyo Sida Ay Ku Dhacday Arrintaani

daajis.com:-  Nin aan la magac dhabin oo taageere u ah kooxda Arsenal ayaa dabaq dheer iska soo tuuray wuxuuna ku dhintay xaafadda Ilupeju caasimadda Lagos ee dalka Nigeria Khamiistii oo ku beegneyd 2da bishaan Febraayo sannadka 2017ka.

Ninkaan ayaa waxaa si dhaqsi ah loo geeyey isbitaalka Lagos State University Teaching Hospital halkaasoo lagu xaqiijiyey inuu dhintay ka dib isku day badan oo ay sameeyen saraakiisha xaafimaadku si noloshiisa loo badbaadiyo.

Sida laga soo xigtay shabakadda Vanguard, xubno ka tirsan booliska Nigeria ayaa daaha ka qaaday in wiilkaan oo ku jiray horraanta dhallinta 20aad uu xirnaa maaliyadda kooxda Arsenal, waxaana la fahamsan yahay inuu nafsaddiisa qatalay ka dib markii ay kooxdiisu natiijo xun kasoo xareysay kulankii ay la ciyaartay kooxda Watford.
Guuldarradu halkaas oo keliya kuma aysan ekaan waxaana xusid mudan inay Chelsea Sabtidii garaacday Gunners iyadoo kooxda tababare Arsene Wenger ay haatan aragtay rajadoodii hanashada horyaalka England Premier League oo ceel dheer ku dhacday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada