daajis.com:- Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee loo yaqaano CCTV, iyadoo saaka si aad ah looga hadal haayo inta badan magaalada.
Qaar ka mid ah Isgoysyada magaalada ee marta wadada dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa xalay lagu dhejiyay baalayaal ku xiran kaamiiroyinka qarsoon ee lagula socdo dhaq dhaqaaqyada amni.
Isgoysyada lagu xiray ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska KM4, Dabka, Banaadir, Zoope illaa sayidka, waxaana tallaabadan ay tahay mid loo qaaday sugida ammaanka, maalmo ka hor doorashada Madaxweynaha oo dhici doonta 8-da bishan.
Kaamirooyinka lagu xiray waddooyinka ayaa la sheegay in lagu xoojin doono ammaanka iyo la socodka dhaq dhaqaaqyada.
Horay ayaa waxaa waddooyinka Muqdisho looga hirgeliyay nalalka samafarayaasha ah, inkastoo markii dambe ay bur bureen, qaarkoodna cilado farsamo awgeed u shaqeyn waayay.

Caasimadaha Adduunka ayaa waxaa ku xiran kaamirooyin lagala socda dhaq dhaqaaqa amniga, waxaa u dambeysay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo sanad ka hor laga hirgeliyay kaamirooyin lagu xiray waddooyinka oo lagula socdo dhaq dhaqaaqyada amniga, kaddib weerarkii Westgate.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:28 and have
, Published at