daajis.com:- Xulkuumadda Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in waaxda cadaaladda ee dalkaasi ay racfaan ka qaadatay xukunkii uu riday xaakim ka shaqeeya magaalada Seattle ee dalka Maraykanka, kaasoo dhan ka ahaa amarkii uu Donald Trump ku joojiyey inay waddanka soo galaan dadka ka imaanaya 7 dal oo Muslim ah.
Hadalkan ayaa waxaa daba socday qoraallo uu Twitter soo dhigay Madaxweyne Trump, kuwaasoo uu ku cambaareeyey xaakimkii xukunka riday, wuxuuna ka digay in ‘dad xun oo khatar ah’ ay Maraykanka ku soo qulquli doonaan arrintaas darteed.
Shirkadaha dayaaradaha qaarkood ayaa mar kale u ogolaaday muwaadiniinta u dhashay dalalka ay arrintan saamaysay inay raacaan dayaaradahooda u duulaya Maraykanka.
Dhanka kalena, banaanabaxyo dheeraad ah ayaa ka sii soconaya magaalada Washington, kuwaas oo looga soo horjeedo xayiraadda safarka ee uu Donald Trump soo rogtay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at