daajis.com:- Dowlada cusub ee uu madaxweynaha ka yahay Donald Trump ayaa hanjabaadii ugu horeysay u dirtay xukuumada dalka Iiraan.
Warkan ka soo baxay Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka ayaa waxaa saxaafada u akhriyey Lataliyaha madaxweyne Trump ee dhanka Amniga Gen. Michael Flynn, kaas oo lagu sheegay in Maraykanka uu digniin u dirayo dowlada IRAN oo isniintii lasoo dhaafay tijaabisay mid kamid ah gantaaladeeda ridada dheer oo hubka Nugliyeerka lagu xiri karo.
Hanjabaada kasoo baxday Maraykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay inaan loo dul qaadan doonin weerarada ay wadaan kooxda Xuuthiyiinta ah ee dalka Yemen, oo dhawaan weerar ku qaaday mid kamid ah Maraakiibta dagaalka ee Sacuudiga oo ay Maraykanka xulafo yihiin.
Faah faahin lagama bixin tilaabada ay dowlada Maraykanka ka qaadi doonto dalka Iiraan, balse lataliyaha Trump ayaa sheegay in tani ay tahay digniintii ugu horeysay, Gen. Michael Flynn ayaa diiday in wax su’aalo ah uu uga jawaabo suxufiyiinta ku sugnaa xarunta wariyeyaasha ee Aqalka Cad.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:30 and have
