Ciidamada Ciraaq oo soo Bandhigay Wiil 7-Sano Jir ah oo Jaakada Miinada loo soo Xiray (VIDEO)

Ciidamada Ciraaq oo soo Bandhigay Wiil 7-Sano Jir ah oo Jaakada Miinada loo soo Xiray (VIDEO)

daajis.com:- Ciidamada dalka Ciraaq ayaa soo bandhigay wiil Toddoba jir ah oo ay ka soo qabteen agagaarka magaalada Mosul, kaasi oo dagaalyahanada Daacish ay ku soo xireen waxyaabaha qarxa si uu isugu qarxiyo ciidamo ku sugnaa bar koontrool.

Wiilkan yar ayaa dusha ka xirnaa Funaanada buluuga ah ee lagu yaqaano Kooxda Chelsea gaar ahaan nambarka uu qaato ciyaartoyga Hazard.



Wiilkan ayaa sheegay in walxahan qarxa uu jirkiisa ku soo xiray nin adeerkiis ah oo ka tirsan kooxda Daacish si isugu qarxiyo ciidamada Ciraaq oo todobaadyadii la soo dhaafay duulaan ka waday magaalada Mosul ee dalka Ciraaq.

Askari ka tirsan ciidamada Ciraaq oo ku taqasusay waxyaabaha qarxa ayaa ku guuleystay inuu furfuro qaraxa lagu soo xiray wiilkaasi yar oo xitaa aan kala garaneynin cadowgiisa iyo saaxiibkiisa.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada