Dowladda Ingariiska oo soo Bandhigtay Magaca Ninkii Weerarka ka Gaystay Magaalada London (VIDEO)

Dowladda Ingariiska oo soo Bandhigtay Magaca Ninkii Weerarka ka Gaystay Magaalada London (VIDEO)

daajis.com:- Ciidamada booliska ee dalka Ingariiska ayaa shaaciyey magaca iyo da’da ninkii shalay ka dambeeyey weerarkii ka dhacay magaalada London, kaasi oo loo adeegsaday tooreyda iyo gaari shacab la jiirsiyey.

Magaca ninka fuliyey weerarkan ayey saraakiisha boolisku ku sheegeen Khalid Masood oo 52 jir ahaa, inkastoo aysan illaa hadda shaacin sawirkiisa iyo dalka uu asal ahaan ka soo jeedo.



Ra’iisalwasaaraha dalka Ingariiska, Mrs: Theresa May, ayaa sheegtay in ninkan weerarka ku qaaday aqalka baarlamaanka maalintii Arbacada uu ku dhashay dalka Britain.

Waxa ayna sheegtay in hay’adaha sirdoonka ay horay u baareen arin ku saaban xiriirka uu la lahaa kooxaha xagjiriinta ah.

Hadal ay u jeedisay aqalka hoose ee baarlamaanka ayay Theresa May ku sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid ka dhan ah dimuquradaiyada, xoriyatul qowlaka iyo xuquuqda aadanaha.
Booliska dalka Ingariiska ayaa wada baaritaano ku aadan ninkii weerarka gaystay iyo ragii uu caawinaada ka helay, waxa ayna xabsiga u taxaabeen ilaa 7 oo ay ku tuhmayaan inay xiriir la lahaayeen Khalid Masood.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada