Hoos u dhac ku yimid hantida Donald Trump tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha America

Hoos u dhac ku yimid hantida Donald Trump tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha America

daajis.com:- Hantida gaarka ah ee uu leeyahay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac tan iyo markii uu la wareegay hogaanka aqalka cad.

Donald Trump ayaa la sheegayaa in doorashooyinkii 2016-dii ka dib uu lumiyey laba boqol oo milyan oo doollar ($200 milyan).

Hantida Trump, oo intii uusan doorashooyinka ku guuleysan ayaa lagu qiyaasay iney aheyd $3.7 bilyan, hase ahaatee waxay hadda hoos ugu soo dhacday $3.5 bilyan, sidaasna waxa uu ku noqday qofka 544aad ee dunida ugu hantida badan.

Milyooneerada isaga isaga la mid ah ee caalamka ayaa la soo sheegayaa in midkiiba hantidiisu 16% kor u kacday, halka Donald Trump hantidiisu ay 22% hoos uga dhacday, muddo hal sano gudaheed ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada