Ciidamo aad u hubeysan oo goordhow la wareegay xaafado ka mid ah Beledweyne

Ciidamo aad u hubeysan oo goordhow la wareegay xaafado ka mid ah Beledweyne

daajis.com:- Ciidamo ka tirsan Booliska Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa goordhow si buuxda ula wareegay Buundo ku taal xaafadda Xaawo taako ee Magaaladaasi.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamadan ayaa xiray wadada iyagoo intaa kadib hakiyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka Buundada yar ee ay qabsadeen ciidankaan Booliska ka tirsan.

Ciidamada ayaa sheegay inaysan muddo qaadan wax mushaar ah, islamarkaana Saraakiisha Booliska Gobolka ay ka doonayaan inay meel ku sheegaan xaqii ciidanka uu lahaa.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in ay ku baxeen Ciidamadan, si ay u xaliyaan tabashadooda, sidoo kalena ay u furaan isu socodka Gaadiidka wadadaasi.
Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamo ka tirsan Puntland oo gadooday ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka iyo Wasaarada Maaliyadda Puntland.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada