daajis.com:- Waxaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose laga furay xarun cusub oo lagu dhaqan celinaayo dhalinyarada ka soo goosta Ururka Al Shabaa ee isku soo dhiibta ciidamada Maamulka Jubbaland.
Xaruntan cusub oo ay maalgelinta ku sameysay dowlada Jarmalka, ayaa markii xariga laga jarayay waxaa xafladaasi ka qaybgalay ku xigeenka Safiirka dowlada Jarmalka u fadhiya Soomaaliya iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka Jubbaland.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan xaruntan cusub oo wax badan ka bedeli doonto fekradaha dhalinyarada la marin habaabiyay.
C/rashiid Janan Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland oo isagana ka qayb galay xafladda ayaa sheegay in xaruntan cusub ee dhaqan celinta dhalinyarada Shabaab ee laga furay Magaalada Kismaayo ay wax weyn ka tari doonto ammaanka deeganada Jubbaland.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray dhalinyaro kala duwan oo isku soo dhiibay Maamulka Jubaland, kuwaasi oo isaga soo tagay Ururka Al Shabaab.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:30 and have
, Published at