daajis.com:- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle iyo François Hollande ayaa yeeshay kulan xasaasi ahaa oo ay uga wada hadleyn horumarinta xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen danaha kala duwan oo ay wadaagaan labada dowladood.
Kulanka ay yeesheen labada madaxweyne oo ka dhacay caasimadda dalka France ee Paris ayaa waxaa kamid ahaa waxyabihii looga hadlay isbadalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka dhaca geeska Africa ee Soomaaliya.
Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal France iyo Jabuuti.
Labada madaxweyne ayaa isku afgartay sidii ciidamada France ay tababar fiican u siin lahaayeen ciidamada Qalabka sida ee wadanka Jabuuti.
François Hollande oo ah Madaxweynaha Fransiiska ayaa Ismaaciil Cumar Geelle sidoo kale kala hadlay doorka ay Jabuuti ka qaadan karto sidii nabad waarta looga dhallin lahaa Soomaaliya oo ay ka dagaalaan ururka AlShabaab.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa dhigiisa u sheegay inuu markasta ku dadaalo sidii ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagi laheyd iyo sidii loola dagaalami lahaa ururka AlShabaab oo dilal iyo qaraxyo ka sameeyo Soomaaliya.
Geelle ayaa si gaar ah madaxweynaha France uga codsaday inay taageero weyn siiyaan ciidamada Soomaalida si ay wadankooda amaankiisa u sugtaan sidoo kalana looga maarmi lahaa ciidamada Midowga Africa ee Joogo Soomaaliya taasoo farxad u ah
madaxweyne Farmaajo oo horey u ballan qaaday inuu dhisi doono ciidamo awood leh/ Hollande ayaa Geelle u ballan qaaday inuu garab istaagi doono ciidamada Soomaaliya sidoo kalana inta laga dhisayo xataa uu sii garab istaagi doono ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at