Facebook oo sameysay barnaamij Cajiib ah oo ogaada qofka is dili rabo (Daawo Sawirro)

Facebook oo sameysay barnaamij Cajiib ah oo ogaada qofka is dili rabo (Daawo Sawirro)

daajis.com:- Facebook ayaa bilowday barnaamij cusub oo caaqil macmal ah (Artificial intelligence) si uu u garto qofka ay naftiisa halis ku jirto ee doonaya inuu is dilo.

Bartan bulshada ayaa sameysay calaamado iyo waxyaabo lagu garan karo qofka isticmaala Facebook ee soo dhiga fikir ama qoraal.

Caaqilka macmalka ah, markuu eego arrinta wuxuu farriin u dirayaa qofkaas asxaabtiisa wuxuuna u sheegayaa inuu is dili rabo ama naftiisa ay halis ku jirto.

Ka dib markii ay xaqiijiyeen kooxda Facebook u qaabilsan eegista aadanaha, shirkadda waxay horey ula xiriirtay dad halis ku jiray oo naftooda waxyeeleyn rabay, waxaana la siiyay talooyiin ay isku badbaadin karaan.

Qadka caawinta dadka doonaya is miidaaminta, ninka madaxda ka ah wuxuu sheegay in tallaabada “aysan ahayn oo keli mid caawineysa, balse ay sidoo kale tahay mid muhiim ah”.

Barnaamijkan cusub waxaa lagu tijaabiyay Mareykanka oo keli ah hadda.

Waa markii ugu horeysay ee la adeegsado Caaqilka Macmalka ah si loo eego farriimaha lagu qoro Facebook.

Tallaabadan waxaa bishii la soo dhaafay ku dhawaaqay aasaasaha Facebook Mark Zuckerberg.

Waxa uu sidoo kale doonayaa in barnaamijkan la adeegsado si loo garto qofka argagixisada ah iyo dadka sameeyo arrimaha kale ee dhibaatada keeni kara.

Waxaa jiro qeybo garanaya haddii qof uu sameynayo waxyaabo halis ah.

ka hadlidda murugada iyo xanuunka ayaa ka mid ah waxyaabaha bixinaya farriimaha halista.

Sidoo kale jawaabaha ay asxaabta bixinayaan sida “ma fiican tahay” ama “waan kaa walaacsanahay” ayaa sidoo kale bixinaya farriin ah in qofka uu halis ku jiro.
Haddii Farriin ku jirta Facebook loo garto inay tilmaameyso is dilida, waxaa la wargelinayaa dadka ka shaqeeya Facebook.

“Waa ognahay degdegga waa muhiim marka xaaladda ay aad u xuntahay”, ayey tiri Vanessa Callison oo ka mid ah madaxda Facebook oo BBC-da la hadashay.

Sababta ay Facebook u sameysay arrinta ayaa ah markii gabar 14-jir ah oo ku noolayd Miami ay toos u soo gashay bishii January ayadoo is dileysa.

Facebook ayaa hadda sheegeyso inay bilowday inay ka hor tagto musiibada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada