Nin Sirdoonka Maraykanka ay ka Qabteen Kuna Jirdileen Dalka Soomaaliya oo Warbaahinta la Hadlay (VIDEO)

Nin Sirdoonka Maraykanka ay ka Qabteen Kuna Jirdileen Dalka Soomaaliya oo Warbaahinta la Hadlay (VIDEO)

daajis.com:- Nin Sheegay inuu u dhashay dalka Tanzania oo barnaamij documentery ah laga suubiyay ayaa sheegay in ciidamada sirdoonka maraykanka ay ka qabteen kuna jirdileen magaalada Muqdisho.

Ninkan oo lagu magacaabo Suleymaan Abdullah ayaa ahaa nin dhalinyaro oo kaluumaysto ah oo sida uu sheegay kana yimid jaziiradda Zin-Zibar ee dalka Tanzania, isagoo sanadkii 2003 si qaxootinimo ah u yimid dalka Soomaaliya isaga iyo dad kale oo badan oo Tanzanian ah.


Suleymaan ayaa sheegay in isagoo maalin iska kaluumaysanaya ay qabteen ciidamo u shaqaynayay mid kamid ah hogaamiye kooxeedyadii dalka ka jiray. kana iibiyeen ciidamo ka tirsan sirdoonka dalka maraykanka oo xarun jirdil ah ku lahaa magaalada Muqdisho.

Waxana uu sharaxay sidii loogu jirdilay magaalada Muqdisho isaga oo aan waxba gaysan, sheegayna in ciidamada sirdoonka ay raadinayeen dad ka tirsan urur diimeedkii Al-Qaacida.
Sulaymaan ayaa hadda dib ugu laabtay jaziiradii uu ku dhashay, waxana uu dowladda maraykanka ka codsady inay siiyaan magdhow maadaama uu yahay nin si qaldan loo xiray lana jirdilay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada