Daawo: Dagaalkii dhexmaray Shacabka Kalabaydh iyo Maleeshiyaadka S.land, Sidii ay Wax u dhaceen iyo Khasaaraha

Daawo: Dagaalkii dhexmaray Shacabka Kalabaydh iyo Maleeshiyaadka S.land, Sidii ay Wax u dhaceen iyo Khasaaraha

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal maanta ka dhacay Degamada Kalabaydh ee Gobolka Sool, Kadib markii Ciidanka maamulka S.land oo ku sugnaa duleedka  magaaladu ay  weerar kusoo qaadeen Meherad ku taala magaalada iyadoo la sheegay inay doonayeen inay Qabtaan Nin Ganacsade ah oo kasoo jeeda deegaanka.


Waxaana Halkaasi ka bilowday dagaal dhexmaray Dad shacab ah, Iyadoo Halkaasi uu ku dhintay Wiil lagu magacaabo C.wali maxamed Cabdi Qoje Sidoo kalana waxaa la sheegaya inay Jiraan Dhaawacyo soo gaadhay dad Shacab ah, Halka  Ciidanka maamulka Somaliland ay Laba Askar uga dhimatay, kuwa kalana ka dhaawacmeen.

Dhinaca kale  Galabta ayaa Ciidanka S.land Duleedka magaalada ku dileen Nin kale oo shacab ah, Kaasi oo  kusii Jeeday Gurigiisa oo ku yaala Baadiyaha, Waxaana magaalada laga Dareemayaa Xaalad Nabad-gelyo oo Cago badan aan ku taagnayn.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada