daajis.com:- Waxaa saakay abaarihii 8:30 subaxnimo, garoonka diyaaradaha ORLY oo ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska lagu dhex toogtay nin aan la’ogayn cida uu yahay, ninka la toogtay ayaa la sheegayaa inuu mid kamid ah askarta ammaanka sugta ka dafay bistoolad kaddibna ku dhex carary suuq ku yaala garoonka gudihiisa.
Booliska la dirira argaggixisada ayaa baadigoob ka bilaabay garoonka oo laga yaabo in qofka dhintay uu meel kamid ah garoonka uga tagay wax qarxi kara, waxaana loo digay dadka inay isaga baxaan gudaha garoonka.
Garoonka Orly oo ah midka labaad ee ku yaala caasimadda dalka Faransiiska ayaa muuqaalo laga soo duubay waxaa laga dareemayaa argaggax ka muuqda dadkii ku sugan garoonka intay socotay daad-guraynta.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:30 and have
, Published at