Sucuudiga oo ka hadlay Weerarkii lagu Dilay 42-Qof oo Soomaaliyeed (Sawiro)

Sucuudiga oo ka hadlay Weerarkii lagu Dilay 42-Qof oo Soomaaliyeed (Sawiro)

daajis.com:- Huwanta Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jirta Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa iska fogaysay in mid ka mid ah diyaaradahoodu qaadeen weerarkii lagu dilay dad ka badan 32 qof oo qaxooti Soomaaliyeed oo saarnaa dooni maraysay xeebaha dalkaasi

Afhayeen u hadlay Huwanta Gen Axmed al-Assiri ayaa u sheegay wargayska Arabnews ee ka soo baxa  sucuudiga  inay Diyaaradaha Sucuudigu aysan ku lug lahayn weerarkaasi, islamarkaana aysan ka dagaalamin goobta ay ka dhacday duqaynto “ Huwantu lug kuma laha weerarkaasi, ma jiro howlgalo ay ka wadaan  aagaas’ ayuu yiri afhayeenku .

Al-xasan Qaleb oo ah Tahriibiye Yemeni ah  oo ka badbaaday weerarkaasi ayaa sheegay in doonida ay siday tahriibayaal Soomaali ah oo ay ku jiraan haween iyo Caruur kuwaasi oo ku sii jeeday dalka Suudaan

Wuxuu sheegay in doonidu ay ka shiraacatay xeebta Ras arra ee xeebta koofureed ee Gobolka xudayda ee Dalka yemen, waxayna ku sugnayd meel 50km u jirta xeebta oo ku dhow marinka baabul Mandeb markii diyaaradu weerartay.

Hay’adda IOM ayaa xaqiijisay in tirada dadka ku dhintay weerarkaasi ay haataan gaareen 42 qof, waxayna sheegtay in weerarka noocan oo kale uu yahay waxaan la aqbali karin, loona baahan yahay in la hubiyo cidda saaran doonyaha inta aan la weerarin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada