daajis.com:- Sidaan la socono Qur’aanka Kariimka ah waxaa ku xusan ama lagu sheegay xayawaanaat baddan, kuwaasi oo Alle Weyne micno gaar ah ku tilmaamay, wax qabadkiisa iyo manaafacaadkiisaba. xayawaanaatka lagu xusay Qur’aanka waxaa kamid ah, Geella,Lo’da, Ariga, Dameerka, Eeyga, Maska iyo kuwa baddan.
Hadaba mucjisooyinka Qur’aanka kariimka ah lagu xusay waxaa kamid ah xayawaanka Caaradda ama caar-caaradda, wuxuu Alle Weyne, ku magacaabay suurad dhan oo loogu magac daray Al-Cankabuut- (Caaradda) waa suuradda 29-aad ee Qur’aanka.
Hadaba barnaamijkaani waxaad ku arki doontaa Nolosha caaradda, wuxuuna Alle Weyne Qur’aanka ku sheegay in gurigga caaradda ay dhisto caaro dhidig ah ama dadka qaar u garan karaan Haween ah. Wuxuuna Alle Wayne ku sheegay guriga caaradda in uu yahay guriga ugu liita guryaha oo dhan.
Si waliba ha ahaatee, arrinta uu Qur’aanka ka hadlay waxaa baaritaan ku sameeyay quburo saynis yahano ah,saynis yahanadda waxay qireyn in Qur’aanka uu sheegay arrin sax ah oo mucjiso ah, midaasi oo ah in Guriga caaradda ay dhisto caarada dhidiga ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at